Jidka tacliinta ee xirfada iyo/ama Matura
BMS / BHS / AHS

Dugsiga sare ee farsamada gacanta iyo xirfada (BMS) waxay socdaan hal ilaa afar sano. Hal iyo laba sano oo BMS ah waxay bixiyaan waxbarasho xirfadeed oo qayb ah, halka saddexda iyo afarta sano ee BMS ay bixiyaan waxbarasho xirfadeed dhammaystiran.  Iyadoo la raacayo koorsada BMS ee ugu yaraan saddex sano ah, koorsooyin horumarsan (saddex sano) ayaa u horseedaya imtixaanka gelitaanka iyo kan dibloomada. . Ardayda ka qalinjabisay dugsiyada farsamada ee afarta sano ah, waxaa jira kulliyado farsamo oo gaar ah . BMS waxaa badanaa loogu yeeraa "Dugsiga loogu tala galay..." ama "Kulliyada Farsamada" (Fachschule).

Kuliyadaha sare ee farsamada gacanta iyo xirfada(BHS) waxay u horseedaan Matura iyo dhammeeystirka tababar xirfadeedka  hal mar. Tababarku wuxuu qaadanayaa shan sano. BHS waxa ku jiri kara akadeemiyada ganacsiga (Handelsakademie ama HAK), "Dugsiyada Sare ee...” (HTL, HLW) ama "Xarumaha Waxbarashada" sida BAfEP, BASOP (barbaarinta dugsiga hoose iyo bulshada, siday u kala horreeyaan).

Heerka sare ee AHS  waxa uu bixiyaa waxbarasho guud oo dhamaystiran taas oo u horseeda Matura. Tani waxay xaq u siinaysaa ardayda ka qalinjabisay inay wax ka bartaan (barbaarinta) machadyada tacliinta sare, kulliyadaha farsamada, jaamacadaha ama akadeemiyada, iyo sidoo kale inay galaan koorsooyinka iyo kulliyadaha sare ee tababarka xirfadaha.  

  • © Bildungwerk 2024