Bixitaanada dhalaanka da’doodu u dhaxeyso 0-3
Waayo aragnimooyinka ugu horeeyan ee carruurta ay isku da'da yihiin  

Kooxaha waalidka-ilmaha
Guruubyada/Kooxaha waalidka-ilmaha, waalidiinta iyo dhallaankooda ayaa si joogto ah u kulmaya, caadi ahaan si todobaadle ah, oo ay weheliyaan hoggaamiyaha Guruupka waalidka-ilmaha La kulmitaankan dadkale ayaa u wanaagsan carruurta iyo waalidka labaduba. Halka hooyada iyo aabaha ay fursad u haystaan inay ka sheekeystaan mowduucyo kala duwan, inyar inyar, carruurtu waxay baranayaan sida raaxo loogu dareemo guruub dhexdiisa. Intaa waxaa dheer, guruubka waalidka-ilmaha oo ku hadla Jarmalka waxay bixiyaan u isticmaalka luuqadda hab cajiibka ah taasoo kadhigaysa barashada Jarmalka mid fudud.  

Kooxaha Socod baradka/naasari
Naasariga ama kooxda socod baradka ee dugsiga barbaarinta, ilmuhu waxa uu waqtigiisa kala-ahaanshaha la qaataa kormeerayaasha iyo carruurta kale. Gudaha Vienna, waxaa jira kooxaha socod-baradka oo kala ah kuwa gobolka iyo kuwa gaarka ah. Kormeerayaal aqoon leh ayaa dhiirigeliya barashada bulshada iyo horumarinta dareenka iyo dhaqdhaqaaqa carruurta da'doodu tahay eber ilaa seddex sano. Kooxuhu way ka yar yihiin dugsiyada barbaarinta, si ay u daboolaan baahiyaha dhalaanka iyo socod baradyada Kooxaha socod-baradka ah ee ay bixiso Magaalada Vienna way furan yihiin maalinkii oo dhan waana bilaash taasoo mahadeedu ay leedahay maalgelinta gobolka; kharashka kaliya waa ka cuntada bas Si aad u hesho boos, waalidiintu waa inay diiwaan-geliyaan ilmahooda - sida ugu habboon ee Noofembar ama Diisembar. Bixintan waxaa ugu horayn loogu talagalay waalidiinta shaqeeya.

  • © Bildungwerk 2024