Dugsiga sare ee dhexe(Mittelschule) ama heerka hoose ee tacliinta dugsiga sare (Unterstufe AHS)

Laba nooc oo dugsi ah, hal manhaj

Afarta sano ee dugsiga hoose ka dambeeya, waxa jira doorasho u dhaxaysa dugsiga sare ee dhexe iyo heerka hoose ee tacliinta dugsiga sare(AHS).

Dhammaan ardayda waxay aadi karaan dugsiga sare ee dhexe marka ay si wanaagsan u dhammaystaan dugsiga hoose. Halkan, waxa diiradda la saarayaa toosinta/hagaajinta kartida iyo haybada carruurta. Laga bilaabo sannad-dugsiyeedka 6aad wixii ka dambeeya, waxaa jira laba heer oo wax-qabad oo Jarmal ah, Xisaab iyo Luqadda Qalaad oo Casri ah, loogu magac yeero "Standard" iyo "Standard AHS". Ardeyda leh xawaarayaasha waxbarasho ee kala duwan ayaa is taageera oo midba midka kale ka faa'iidaysto.

Si loogu ogolaado AHS, carruurtu waxay u baahan yihiin darajada "Aad u wanaagsan" ama "wanaagsan" warbixintooda fasalka 4aad ee dugsiga hoose  Jarmalka, Akhriska, Qorista iyo Xisaabta. Aqbalaadda AHS waxay suurtogal u tahay darajada "Ku qanacsanaanta" haddii guddiga dugsigu uu go'aansado in ilmuhu u badan yahay inuu buuxiyo shuruudaha AHS, ama beddelkeeda imtixaanka gelitaanka.

Dhib malaha ha ahaato dugsi sare ee dhexe ama AHS: dadaalka u dhigma, ilmo kastaa wuxuu fursad u helayaa inuu galo nooc kasta oo dugsi ah oo ah heerka sare II (wareegga sare).

  • © Bildungwerk 2024