Jidka ficil ahaanta ah ee xirfada (iyo Matura)  

Xirfad-barashada ka dib sanadka 9aad ee dugsiga

Dhallinta saxiixday xirfada barashada ama qandaraas tababar ayaa tan la socda dugsiga farsamada gacanta. Inta lagu jiro xirfad-barashada, waxay bartaan xirfadda ay doorteen marka ay qabtaan shaqada ficil ahaanta. Dugsiga farsamada gacanta, waxaa lagu bixiyaa aqoonta guud iyo tan fikro ahaanta xirfadan ah. Tababarka waxaa lagu soo gabagabeynayaa imtixaanka ugu dambeeya ee xirfad barashada (LAP).

Kuwa rabaan in ay wax ka bartaan jaamacad ka dib waxay qaadan karaan "Berufsreifeprüfung" (imtixaanka gelida farsamada gacanta), oo ka kooban afar imtixaan oo qayb ahaan Jarmal ah, Xisaab, Luqadda Dibadda oo Casri ah iyo maaddo takhasus leh. Qaabka “Berufsmatura (dibloomada farsamada gacanta):  xirfad barasho oo ay lasoco  imtixaanka gelitaanka” waxa uu u sahlayaa ardayda in ay dhamaystiraan imtixaanada qayb ahaan inta lagu jiro xirfad barashada lafteeda.

Dhallinyarada aan weli wax fikrad ah ka haysan xirfadda ay rabaan inay bartaan dugisga khasabka ah ka dib, xulashada tababarida dhallinyaradu waxay siisaa taageero shaqsiyeed.

  • © Bildungwerk 2024